Sunday , 18 November 2018

Ra iisal wasaaraha iyo wasiirka isboortiga oo loogu baaqay in ay ciyaarta fiinaalaha ee xulka 17 jirada ka qeyb galaan

xulka Qaranka Soomaaliya ka yar 17 jirka

Ra’iisul Wasaaraha, Keyrre, wasiirka Ciyaaraha Khadiijo Diiriye, waxaa fiicnaan lahayd in ay tagaan dalka Burundi si ay u dhiiri-geliyaan ciyaartoyda xulka Qaranka ee 17 jirrada ee galabta gaaray finalka koobka bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA.

Xulka Soomaaliya ayaa galabta ka badiyay xjlka Uganda kulankii semi finalka, waxeyna finalka la ciyaari doonaan Tanzaniya.

Waa darajadii ugu sarreysay oo ay Soomaaliya ka gaarto kubadda cagta tan iyo burburkii.

Xildhibaannadii iyo wasiirradii taageeraha dhaqaale iyo af la garab taagnàa ciyaartoydii maamul hoboleedyada, waxaa looga baahan yahay hadda in ay mid qaran ka dhigaan.

Ganacsatada laftirkoodu wiilashaas yaryar ee calanka Soomaaliya kor u qaaday il gaar ah haku fiiriyaan … Ibrahim Geddow Awale

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*