Sunday , 18 November 2018

Muuse Biixi oo isku dhex yaacay: Jamhuuriyadda Federalka ee Somaliland oo nasoo weeray

Muuse Biixi

Madaxweynaha dawlad-goboleedka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay si deganaansho la’aan iyo isku-dhex-yaac ah hadal aanu ka fiirsan ah ku dhawaaqay in ‘Jamhuuriyadda Federaaaliga ah ee Somaliland’ soo weerartay Somaliland.

Muuse Biixi oo aad mooddo in uu ka sasay dagaalka ka dhacay Tukarraq ay iskaga hor yimaaddeen ciidamo ka soo kala jeeda dawlad-goboleedka Somaliland iyo Puntland ayaa dadka fagaaraha uu khudbadda ka jeediyey ka dhegaysanayey afka yaab afka gacanta la saareen markii ereyadaasi ka soo yeedheen afkiisa.

Dad badan oo dhegaysanayey waxay u qaateen in Muuse Biixi ay ku dhacday argaggax iyo deganaansho la’aani ku dhacday oo kala garan waayey cidda uu ku sheegayo Jamhuuriyadda Federaalka Somaliland. Haddaba hoos ka dhegayso khudbadda Muuse Biixi iyo waxa afkiisa ka soo yeedhay  oo boqollaal kun dhegaysanayeen.

<p

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*