Sunday , 18 November 2018

Hal-doorka iyo aqoonyahanka Hargeysa oo si diirran u soo dhaweeyey aqoonyahan/suugaanyaqaan Idaajaa

A.F. Cali Idaajaa oo sii diirran loogu soo dhaweeyey Hargeysa

Haldoorka iyo aqoonyahanka Hargegysa ayaa waxay si diirran ugu soo dhaweeyeen caasimadda labaad ee Soomaaliya abwaan Axmed Faarax Cali ‘Idaajaa’ oo ah suugaan-baare/suugaan ururiye si weyn looga yaqaan dhulalka Soomaaliyeed oo dhan. Munaasabad ballaaran oo xiiso leh ayaa ururka aqoonyahannada Hargeysa fagaare ballaadhan ugu soo dhaweeyeen abwaanka.

Furitaankii xafladdaas waxaa hadal qiimo iyo qiiro leh ka soo jeediyey abwaan/aqoonyahanka da’da yar ee  Beddel. Aqoonyahanka ayaa wuxuu ku tilmaamay Axmed Faarax Cali ‘Idaajaa’ naftii-hure u soo halgamay raad-goobka, ururinta, habaynta, qoridda, iyo kaydinta suugaanta ummadda Soomaaliyeed.

Aqoonyahayn Beddel wuxuu ku boorriyey in dadka caaddifadda qabyaaladeeda la geliyey ee ku dooda in Idaajaa cid ama qabiil gaar ah suugaantooda ururiyo, taas oo ah been aan sal iyo raad midna lahayn.

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*