Sunday , 18 November 2018

Guddoomiyha Gobolka Banaadir/Duqa magaalada Muqdishu oo booqasho ugu tegey agoontii Axmed-Dawlo

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdishu Enjineer Cabdiraxman Cumar Cusmaan – yariisow ayaa soo booqday ugana tacsiyadeeyey agoomihii aabbahood Axmed-Dawlo ee dhawaan goobtisa shaqo lagu diley, dabna la qabadsiiyey maydkiisa falkaas oo loogalay isir-nacayb.

Engineer Yariisow wuxuu qoyskaas ballaaran oo ka kooban labo xaas iyo 12 carruur ah oo uu ka tegey marxuum Cumar-dawlo u fidiyey tacsi, isla markaana u ballan qaaday in ciqaabteeda la marin doono dadka ka dambeeyey dilkaas foosha xun, una ballan qaaday agoontaas in dawladda Soomaaliyeed wixii karaankeedaf ah ku caawin doonto noloshooda. Tallaabadan uu duqa magaalo-madaxda Soomaaliya qaaday waxaa ku ammaanay dad badan oo Soomaaliyeed. 

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*