Sunday , 18 November 2018

Kulan waxgaradka degaannada Dhulbahante ka tirsan Dawlad-degaanka Soomaalida Ethiopia ku yeesheen Shaxda

Kulan ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen Waxgaradka iyo odayaasha Dhulbahante ee ka tirsan dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka dhacay degaanka Shaxda kana tirsan degaanka DDSI.

Waxgaradkaas iyo duqaydu waxay ku lafa gureen dhibaatooyinka baaxadda leh ee degaankooda ka jira iyo sida dawladihii kala dambeeyey DDSI wax horumar ah ugu qaban degaankooda. Waxay baaq u soo jeediyeen madaxweynahay cusub ee DDSI mudane Mustafe Muxumed Cagjar.

Dhulbahane wuxuu ugu yaraan 86 qabali ku leeyihiin degaanka Soomaalida Itoobiya, sidaas oo ay tahay hal degmo lagama siin maamulka, wax horumarin ahna lagama samayn sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, jidadka, iyo kaabayaasha kale ee nolosha bulshada.

Ugu dambayn waxgaradku waxay u soo jeediyeen madaxweyne Mustafe in uu si dhab ah oo la taaban karo wax uga qabto cabashooyinkia degaannada Dhulbahante ee ka tirsan DDSI.

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*