Sunday , 18 November 2018

Madaxweynaha Dawlad-degaanka Somalida Ethiopia Musftafe Muxumed Cumar oo soo saaray amarro xagga amniga ah

Madaxsweynaha dawlad-degaanka Soomaalida Ethiopia mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa awaamiir cusul ka soo saaray xasilinta, dhawridda iyo dhaqangelinta nabadgelyada, amaanka iyo ammaanka dhulka.

Madaxweyne Mustafe wuxuu ku nuuxnuuxsaday adkaynta nabadgelyada degaanka oo yiri waa mid u dan ah ummadda Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee ku nool degaanka Soomaalida Ethiopiak. Wuxuu ka digay in ay jiraan wax uu ka tilmaamay haraadigii heego ee maamulkii Cabdi Cumar Iley in ay fadqalalo iyo xasillooni darro ka abuuraan dadka dhexdiisa.

Wuxuu dadweynaha iyo ciidammada ku guubaabiyey in ay si wadajir ah ugu shaqeeyaan nabadgelyada iyo danaha shacbiga, ciddii isku dayda in ay fadqalalo iyo rabshado danaha ummadda ka soo hor jeeda abuuranna ciidammada ammaanka la soo xiriiraan si sharciga loo hor keeno. Wuxuu madaxweynuhu ka digay in ay dadku sharciga gacmahooda ku qaataan ama ka digtoonaadan in ay gacantooda ula tagaan qaswadayaasha.

Please follow and like us:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*