Sunday , 18 November 2018

Wararka – Af Soomaali

R/wasaaraha Itoobiya oo Booqashadii ugu horaysay ku yimid Dalka Jabuuti

  Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa  booqasho rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti, taasoo ah booqashadii u horeysay oo dibadda ah, tan iyo markii dhowaan loo magacaabay xilkan. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ah mid ballaaran oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa iyo qaar ka mid ah Madaxweynayaasha dowlad deegaanada Itoobiya Mr Abiy ... Read More »

Ra iisal wasaaraha iyo wasiirka isboortiga oo loogu baaqay in ay ciyaarta fiinaalaha ee xulka 17 jirada ka qeyb galaan

Ra’iisul Wasaaraha, Keyrre, wasiirka Ciyaaraha Khadiijo Diiriye, waxaa fiicnaan lahayd in ay tagaan dalka Burundi si ay u dhiiri-geliyaan ciyaartoyda xulka Qaranka ee 17 jirrada ee galabta gaaray finalka koobka bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA. Xulka Soomaaliya ayaa galabta ka badiyay xjlka Uganda kulankii semi finalka, waxeyna finalka la ciyaari doonaan Tanzaniya. Waa darajadii ugu sarreysay oo ay Soomaaliya ... Read More »

‘Waar Soomaliland ma aha ninku ee naga saara.’

‘Waar Soomaliland ma aha ninku ee naga saara.’ Waxay ahayd falceliskii ay ka gaysteen ka dib markii nin dhallinyaro ah oo reer woqooyi ahi ku shiday dhawr su’aalood oo kulkul ‘wasiirka arrimaha debedda’ ee maamulka Hargeisa oo London kulan ku qabtay. Halkan ka daawo ceebtii halkaas ka dhacday. Ishaadaa kuu macallin ah. Please follow and like us: Read More »

Sheikh Adan Siiro oo afka furtay markii beentii SNM daaha laga rogey

Sheekhul belediyaha Hargeysa Aadan Siiro ayaa afka furtay ka dib markii ay soo ifbaxday in dawladdii hore ee Soomaaliya lahayd heshiiskii lagula galay in dekedda Berbera ay kiro 30 sano ah kula wareegto maamulkeeda dawladda Imaaraadka Carabta, halkaasna ay goobjoogayaal ka ahaayeen madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe, iyo Muuse Biixi Cabdi ... Read More »

Anna igu dar: Axmed Madoobe oo dhabta ugu jiifa Imaaraadka Carabta

War Deg Deg ah. Hoogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed madoobe ayaa Safar Qarsoodi ah Ku joogo hatan wadanka Imaaraatka carabta. Axmed madoobe ayaa xalay u hoyday magaalada Dubai wuxuuna Ku Dagay Hotel lagu magacaabo #Sunridge oo horay uu usii daganaa Cabdiweli Gaas . Axmed madoobe ayaa Doonaayo inaan la ogaan Safarkaan uu Ku joogo Imaaraatka carabta sababo la xiriiri cabsi uu ka Qabo ... Read More »

Turkey oo la soo nqonaysa dahabka ka yaal Maraykanka si ay Doolarka u joojiso wax-ku-iibsigiisa

Sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Turkiga, waxaa dawladda Turkey go’aansatay in ay dib ugala soo noqoto dahabka ugu kaydsan dalka Maraykanka. Sannadihii u dambeeyey waxaaa dalka Turkigu dib ugala soo noqday dahab dhan 220 TAN, iyado sannadka naga tegey keliya ay kala soo wareegtay Maraykanka dahab caddadkiisu dhan yahay 28.7 Ton. Dahabka Turkey adduunka ugu kaydsan waxaa lagu qiyaasay ... Read More »